Breaking news- Safiirada Wadamada Daneeya Arimaha Soomaaliya oo shir deg deg ah isugu imanaya Muqdisho
Waxaa Nairobi ka socda qaban qaabo Dublamaasiyadeed oo ay wadaan Beesha Caalamku si ay faraha ula galaan xaaæada qalafsan ee saameysay Siyaasada Soomaaliya.waxaa sidaas xogta ku helay Puntlandi.com.
Safiirada Reer Galbeedka iyo wadamo kale oo dhowra u qaabilsan Arimaha Soomaaliya ayaa qaban qaabinaya kulan ay isugu imaanayaan kulankasoo lagu wado inuu ka dhaco Nairobi aa Muqdisho.
Lama oga in kumanku uu gaar u yahay iyaga oo qura iyo kn lagu casumay qaybaha is haya ee Soomaalida.
Wararka aan heleyno waxay sheegayaan in Madasha ay ku mideysan yihiin Dowladaha Xubnaha ka ah Federaaalka Soomaaliya ay Beesha Caalamku ku cadaadiyeen in ay iyaga kala shaqeeyaan arimaha qusaya deegaanadooda maadaama ay Maamulada Soomaaliya iyo Villa Soomaaliya ay wada shaqayn waayeen, xiligaana uusanba jirin xiriir ka dhexeeya Villa Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada.
Shirkaan ay isugu imaan doonaan Beesha Caalamku wuxuu noqon doonaa mid xasaasi ah, sidaan xogta ku heyno waxaa shirka soo qaban aaabiyey Dowladaha Talyaaniga iyo Emaaraatka Carabta.
Puntlandi.com
Nairobi