Shirkii golaha wasiiradda Puntland oo lagasoo saaray warsaxaafadeed.
Shirkii Golaha Xukuumadda Puntland oo uu Shir-guddoominayey Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.CabdiweliMaxamed CaliGaas,ayaa looga hadlay arrimaha kala ah Amniga dalka, soo dhaweynta Guddiga lskaashiga Dowladaha xubnaha ka ah dowlada Federalka Soomaaliya, Xeerka Wada-marista Puntland, Siyaasadda Daryeelka Dhalinyarada Iyo Warbixino kale.
Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland oo warbixin ka dhagaystay Wasaaradda Amniga ayaa sheegay in guud ahaan xaaladda amni ee dalku gacan mugleh kujirto, isla markaana ay fashil ku danbeyn doonaan damaca liita ee ay maleegayaan qaswadayaasha kasoo horjeeda nabadda iyo wadajirka Puntland.
Waxuuna Madaxweynaha Dowladda Puntland faray laamaha amaanka iyo ciidamada qalabka sida u diyaargarowga difaaca dalka iyo raacdeysiga cadowga qaawan ee damcaya oo kala dhantaalaya nabadgelyada, horumarkaiyo wadajirka Puntland.
Golaha Xukuumada Dowlada Puntland ayaa dood dheer kadib ansixiyey Xeerka Wada Marista Gaadiidka Puntland, Xeerkaan oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Howlaha Guud iyo Gaadiidka Puntland ayaa qeexaya ceyminta hantida, badqabka dadka iyo gaadiidka,isla markaana la jaanqaadaya habka wada marista casriga ah.
Sidoo Kale Golaha Xukuumada Dowladda Puntland ayaa meel mariyey Siyaasadda Da·yarta Puntland oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska, siyaasaddan ayaa u gogol xaareysa baxnaaninta, daryeelka iyo kobcinta caruurta Puntland.
Ugu-danbeyn golaha Xukuumadda Dow1ada Puntland ayaa warbixin ka dhagaystay Wasaaradda Ganacsiga Dowladda Puntland oo ka warbixisay shir muhiim ahaa oo u dhexeeyey Africa iyo Turkey-ga , shirkaas oo looga hadlayey isweydaarsiga badeecadaha iyo fududeynta ganacsiga, waxuuna Wasiirka Ganacsigu sheegay inuu shirku wax ku ool u ahaa ganacsatada Puntland iyo Turkiga, gaar ahaan dhoofinta kaluunka.
Puntlandi.com