Guddiga Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed oo La Magacaabay -Akhriso Magacyada
War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed ayaa lagu shaaciyay magacyada 15 xubnood oo ah Guddiga doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed, kuwaasoo ah Xildhibaano ka tirsan Koofur Galbeed.
Guddigan ayaa soo saari doona jadwalka doorashada iyo shuruudaha Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed
Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa lagu wadaa inay dhacdo bisha soo socota ee November, iyadoo Musharaxiin dhowr ah ay taagan yihiin.
