YAABKA CAAWA : - Prof William Kosar oo sheegay inuu xeerka Shidaalka Somalia uu isagu qoray, usbuucana uu u akhriyey gudiga kheyraadka ee Barlamaanka Somalia

Prof William Kosar
Prof William Kosar oo ah Sharci yaqaan u dhashay dalka Canada oo fadhigiisu yahay Magaalada Mombasa ee Kenya ayaa sheegay inuu isagu qoray xeerka shidaalka ( petroleum Bill ).
Prof William oo ah Khabiir iyo Dilaal dhanka sharciga ah oo ka qaraabta dalalka Africa ee khalalka iyo deganaansho la’aanta Siyaasadeed ka jirto ayaa barta uu ku leeyahay barta Bulshada ee Twitterka inuu usbuucan ku sugan yahay magaalada Muqdisho, isagoo gudiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee Barkamaanka Somaaliya uu u akhrinaayo xeerka shidaalka ee uu isagu qoray.
Sheegashada wuu Prof ama dilaal William Kosar in gacantiisa ku qoray xeeraka Petroleumka Somaaliyeed in ay marada ka feyday boobka iyo bililqada baahsan ee lagula wareegay ama lagu dhacayo kheyraadka dabiiciga ah ee Somaaaliyeed.
Markaa quraanjooy ku quuso
Halkan ka daalaco qoraalka Prof.William Kosar.
