|

Itoobiya oo 19.19 million USD kumaalgalinaysa Dekada Berbera


Heshiiska Dekada Berebera lagu balaarinayo oo ay ku baxayso aduun kor u dhaafaya 442 Milyan oo Doolar ayaa waxaa qayb ka ah Dowlada Itoobiya,oo iyadu ka mid ah Saamilayda Dekada, iyadoo la qorsheeyey in balaarinta dekada ay soo gabagabowdo dhamaadka sanadka 2020 hadiiala idmo.

Wajiga kowaad ee dhismaha Dekada Barbara ayaa wuxuu noqonayaa balaarin lagu sameynayo dhulka dekadu ku fadhiso waxaana la gaarsiinayaa 250,000 mitir, kharashaadka ku baxaya wajiga kowaad waxaa loo qoondeeyey 101 milyan oo dollar,maadaama Dowlada Itoobiya ay saami ahaan dekada ku leedahay 19% waxaa waajib ah heshiiskana ka mid ah iney wax ka bixiso kharashka lagu balaarinayo dekada si ay u heysato saamiga ay leedahay, dhismaha wajiga kowaad waxaa Itoobiya kusoo aaday 19,19 milyan oo Dollar inay bixiso,
Halka Ay Dowlada Emaaraatkuna bixinayaan 60 milyan oo Dollar, lacagta inta kale oo gaaraysa 21.81 milyan waxaa bixinaya Dowlada Soomaaliland, lacagtaan waa kharashka ku baxaya wajiga kowaad ee dhismaha Dekada.

Mashruuca Dekada Berbera lagu balaarinayo ee ay wada saxiixdeen Soomaaliland iyo Emeraatka ayaa lagu tilmaamay inuu yahay mashruuc qayb wayn ka qaadanaya horumarinta dhaqaale iyo Amaanka Soomaaliland, waxaa iyana feersocda Mashruuc ay ku baxayaan aduun kor u dhaafaya 80 milyan oo dollar oo lagudhisayo wado laami ah oo isku xirta Soomaaliland iyo Itoobiya.

Arimaha Balaarinta Dekada Berbera waxaa walaac xoogan ka muujiyey Jabuuti oo iyada maanta buuxisa 95% baahidabdekadeed ee Itoobiya, iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya oo iyana ku andocooda inaan lagala tashan heshiiskaas,

Madaxweynaha soomaaliland Muuse Biixi oo mar la waydiiyey Heshiiskii Dhexmaray Itoobiya iyo Erriterie inay suuragal noqon karto in uu wax u dhimo dhismaha Dekada Berbere, maadaama ay itoobiya adeegsan karto Dekadaha waaweyn ee Erriterie , Musawac iyo Assab, wuxuu ku jawaabay “Amaanka Geeska Afrika muhiim ayuu nooyahay, Dhaqaalaha Itoobiya ee korayana wuxuuba u baahan yahay toban dekadood ee kale.

Puntlandi.com
Adis abeba

You must be logged in to post a comment Login