Breaking News- Maamul Goboleedyada oo ku guuleystay iney Beesha Caalamka kasoo jiitaan Dowlada Federaalka ah
Xiriirka u dhexeeyay Maamul Goboleedyada Iyo Villa Soomaaliya ayaa wuxuu hada marayaa meeshii ugu xumayd abid, waana markii u horaysay Taariikhda Dowlad Goboleedyada oo xiriirka ay la leryihiin Doelada FederaaƦku uu heerkaas gaaro.
Dowlad Goboleedyada oo ku Mideysan Golaha iskaashiga MG ayaa dhowt jeer sheegay inay dadaal dheer ugaleen in ay la heshiiyaan Dowlada dhexe laakiin wax garowsho ah ama dadaal ah ayay ka waayeen Villa Soomaaliya,
Dowlad Goboleedyadu waxay sheegeen in Dowlada dhexe ay iska dhaga tirtay cabadhadooda ayna kusii dartay faragalin iyo colaad abuurid ay Dowlada Federaalku ka bimowday gudaha Maamul Goboleedyada.
Dowlad goboleedyada ayaa iyana dhankooda bilaabay inay iradaha kasoo xiraan Villa Soomaaliya, Dagaalka labada dhinac ayaa durba cirka isku shareeray kasoo gaaray Deeq bixiyaashii.
Maamul Goboleedyadu waxay Shir deg deg ah ka dalbadeen Beesha Caalamka, Kulankaasoso dabayaaqadii Bishii hore ee Septembar ka dhacay Nairobi.
Sida ay Puntlandi kasoo xigteen Mid kamida ah Masuuliyiinta Maamul Goboleedyada, Maamul Goboleedyadu waxay taargad gareeyeen Beesha Caalamku oo ah laf dhabarka dhaqaale iyo amaan ee Villa Soomaaliya.
Kulamo dhowra iyo wadahadalo dhowra oo dhex maray Dowlad Gpboleedyada iyo Beesha Caalamka ka dib waxay Beesha Caalamku u muuqataa hada mid ogolaatay soo jeedintii Dowlad Goboleedyada.
Warar Dublamaasiyadeed ee Warbaahinta Puntlandi heleen ayaa sheegaya in Xiriirka Beesha Caalamka iyo Villa Soomaaliya uusan hada wanaagsaneyn, halka Dowlad Goboleedyada iyo Beesha Caalamku ay bilasbeen wada shaqayn gaara.
Dhan kalena Dowladaha Sacuudiga iyo Emaaraatka oo iyana qayb ka ah Beesha Caalamka ee daneeya arimaha Soomaaliya goob joogna ka ahaa shirkii Nairobi ku dhex maray Dowlad Goboleedyada iyo Beesha Caalamka ayaa balan qaadey iney sii xoojinayaan Wada shaqaynta ay la leeyihiin Dowlad Goboleedyada.
Puntlandi.com
Nairobi
