Kooxda Argagixisada Al-shabaab ee Soomaaliya oo degmada Saakow ku toogtay Shan qof oo Basaasnimo lagu soo eedeeyay
kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab ayaa maanta oo jimce ah waxa ay duleedka Degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe ku toogteen shan qof ay ku soo eedeeyeen in ay basaas u ahaa yeen wadamada Kenya, Itobiya , iyo Soomaaliya .
Ragan la toogtay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray 1- Cabdiraxmaan Xuseen Max’med
2-Haaruun Cabdi Raxmaan Cumar
3-Caliyoow Jiinoow Nuur
4-Maxamed Yuunus Mad Keer
5-Cabdishakuur Xasan Xuseen.
Al-shabaab ayaa sidan oo kale maalmo ka hore degmada Jilib ee gobolka Jubada hoose waxa ay ku toogteen shan qof o kale oo ay ku soo eedeeyeen Basaasino .