Korneyl Gelle Guhaad oo ka soo jeeda Beesha M/weyne Farmaajo oo ku taliyey in dagaal laga dhex bilaabo Puntland iyo Galmudug

Korneyl Gelle Guhaad oo ka mid ahaa saraakiishii Ciidanka ee dawladii kacaanka ee uu hogaamin jiray Maxamed Siyaad ayaa ku taliyey in dagaal sokeeye laga dhex bilaabo labda maamul goboleed ee Puntland iyo Galmudug.

Korneyl Guhaad oo ka soo jeeda Beesha Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa barta uu ku leeyahay Facebook ee ay ku xiran yihiin taagerayaasha Beeshu ku soo bandhigay qoraal uu ku talinayo si loo yareeryo culeysyada Siyaasadeed ee saaran Xukuumada Farmaajo in ay waajib tahay in dagaal sokeeyo laga dhex qarxiyo maamul goboleedada Somaaliyeed ee Puntland iyo Galmudug.

Waxaa nasiib daro ah in weli magaalada Muqdisho ay ku sugan yihiin, talada dalkana saameyn ku leyihiin Guulwadayaashii Kacaankii guuldarada iyo hoog baday umadda Somaaliyeed ee falsafadiisu aheyd si uu xukunka u sii haysto, inuu isku diro, isla markaana iska horkeenko qabaa’ilka Somaaliyeed.

Halkan ka akhriso qoraalka Korneyl Guhaad.