Daawo Wasiir Goodax Bare oo wali ku adkeysanaya inuu saxsanaa

Mudanayaasha Aqalka Sarw ee kasoo jeeda Puntland ayaa kulan la qaatay Wasiirka Waxbarashada Dowlada Federaalka Mudane Cabdullahi Goodax Bare si uu sharaxaad iyo Jawaab uga bixiyo Hadalkiisii xanafta lahaa ee uu ku weerarar Waxbarashada Puntland.

Wasiirka hadalkiisa waxaa ka buuxa inuu wali ku adkeysanayo hadalkiisii, wuxuu kaloo yiri Waxaa hadalkaygii si qaldan u turjumay rag xilal hore soo qabtay, Wasiirku wuxuu iska indha tiray hadaladii iyo Qoraaladii rasmiga ahaa ee Wasaarada Waxbarashada Puntland.

Isagoo difaacaya hadalkiisii hore ee uu ku weerarat Ardeyda iyo Waalidiinta Puntlamd wuxuu yiri ” Anigu ma oran Shahaadooyinka Puntland waa waxba kama jiraan laakiin waxaan iri Shahaado aan Anaga nasoo marin Ma aqoonsanin.

Wasiirku wali raaligalin kama uusan bixin hadaladiisii hore wuxuuna ku warwareegayaa hadalo muujinaya inuu kuvadkeystay hadalkiisii hore.

Hoos ka daawo shirkii jaraa’id ee wasiirku uu maanta qabtay