Qatar oo u muuqata iney la safatay Kenya Muranka Bada

Shirkada Qatar Petroleum ayaa heshiis waxay la saxiixatay Shirkada ENI ee Talyaaniga laga leeyshay tasoo wadanka Kenya baaris shidaal uga wada Bada.

Arintaan ayaa khatar weyn waxay ku tahay xiriirka Villa Soomaaliya iyo Qatar,

Dowlada Qayar waxay la socotay muranka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya oo Salka ku haya Shidaal baarista ay Kenya ka wado Biyaha Soomaaliya , iyadoo Qatar ay ka dharagsan tahay murankaas ayay si ulakac ah iyadoon war galin Villa Soomaaliya waxay Qayb ka iibsadeen Shirkada Kenya u baaraysa Shidaalka ee ENI.

Qatar Petroleum iyo ENI waxay Axadii hore kala saxiixdeen Heshiis maalgashi oo Qatar u saamaxaya iney yeelato 35% shirkada ENI.

Waxaa loo badinayaa iney Kenya qayb ka ahayd soo xero galinta Qatar si ay gaashaan buursi awoodleh u hesho iyagoo Og in Qatar ay quudiso Masuuliyiinta Villa Soomaaliya.

Dublamaasi Soomaali ah ayaa Puntlandi.com wuxuu u sheegay in Kaarka ay Kenya ka ciyaartay heshiiskaan uu yahay mid khatar ku ah BIyaha Soomaaliya sababtoo ah buu yiri Siyaasiyiinta maanta ee Soomaaliya waxay jeebka ugu jiraan Qatar, waxayna sahli kartaa in Qatar ay shilimaad jeebka ugu shubaan Masuuliyiinta Soomaalida sidaasna si sahlan looga saxiixdo wixii looga baahan yahay.

Wali Villa Somalia kama aysan hadlin khiyaamada iyo labada kaar ee Qatar ciyaarayso, Qatar waxay dhinac ka muujineysaa iney Saaxiib la tahay Soomaaliya dhinacna Kenya ayay kula heshiisay Bada Soomaaliya.

Puntlandi.com
Nairobi