(Dhegayso) Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland Camey oo ka tacsiyeeyay geerida Wasiir Xirsi kana hadlay magcaabistiisa Safiirka Itoobiya ee Somaliya

Madaxweyne kuxigeenkii hore ee dowladda Puntland Injineer Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey oo waraysi gaar ah siiyay maanta Warbaahinta Puntlandi.com ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Cabdirashiid Maxamed Xirsi oo horay u so noqday Wasiirkii Kaluumaysiga iyo Guddoomiyihii baarlamaanka Puntland.

Camey ayaa dhanka kale waxaan wax ka waydiinay jiritaanka magacaabistiisa Safiirka dalka Itoobiya ee Soomaaliya ufadhin doona  iyo waxa uu ka badali karo xiriirka labada dal.
waxa uu sheegay in uu ku magacaaban yahay oo kaliya balse aan wali lagudbin waraaqihiisa aqoonsiga ee Safiirnimo.