100 maalmood kadib markii la doortay Madaxweyne Dani, maxaa u hirgalay

100-kii maalmood ee ugu horreysay ee uu talada Dowlada Puntland hayay, Madaxweyne Dr. Siciid Cabdullahi Deni wuxuu galay 1 safar, isagoo booqday 1 dal, wuxuuna dalka ka maqan yahay 9 maalmood, taas oo celclis ahaan aad uga yar intii ay maqnaan jireen Madaxweynayaashii hore.

Arimaha uu Madaxweynaha xooga saaray 100 maalmood wax ka mid ah Xoojinta amniga dalka, hirgelinta qorshayaasha dhismaha goleyaasha degaanka, habka maareynta xogta maaliyadda, kor u qaadidda xirfaha shaqaalaha & xoojinta Tayeynta waxbarshadda, Qorshe howleedka Wasaaradaha dowladda, fursad siinta in Xukumadda ku soo biiraan dhaliinyaro.

Dhanka Xisbiyada, Xukumadda Madaxweyne Deni ayaa bilowday qorshe ay ku doonayso inay wadanka kaga saarto nidaamka wax qaybsiga beelaha ayna ugu rarto nidaamka Xisbiyada badan qorshahaas oo ah mid mid in badan dadka reer Puntland rajo ka qabeen in qof walba codkiisa dhiibto.

Amniga, waxa uu kulamo la qaatay laamaha amniga Dowladda isaga oo ku xooga-saaray in lala dagaalamo cid walba oo amniga khatar ku ah, musuq-maasuqa ciidamada ( Caagleyaal), dib u habeenta Wasaaradaha dowladda, isaga oo wakhti kooban gudihiisa Joojiyay daabacadii lacagaha Shillin Soomaaliga, Canshuur dhaafka, dhismaha dhulka dowladda iyo weliba magacyadda been abuurka ah ee lagu qaato lacagaha.

Mashruuca Wadada Garowe-Gaalkacyo

213 maalmood ka dib fadeexadii Mashruuca Wadada Garowe-Gaalkacyo oo si rasmi ah qoraal ka soo baxay Dowladda Germany lagu joojiyey September 6, 2018 ayaa dadaal badan oo uu sameeyay Madaxweyne Siciid Deni April 7, 2019 ku guuleystay in dib loo bilaabo ka dib markii uu Garoowe kula kulmay safiirka Germany ee Soomaaliya Ambassador Annet Gunther iyo wefdi balaaran oo ka socday dalkaas.

Inta uu Xafiiska joogay Madaxweynaha ayaa qaabiley Safiiradda Mareykanka, Germany, Imraadka, Sweden, Uk, Qatar, Suudaan, Masar, Boqortooyadda Sacuudiga, Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Qunsulka Itoobiya ee Puntland, Madaxa mashruuca CIP ee World Bank, qeybaha kala duwan ee Hay’addaha caalamiga ah iyo madaxa Hay’adda Interpeace. Xukumadda Deni ayaa qabtay Barnaamijkii ugu weyna oo looga hadlay arimaha Jihaynta Siyaasadda Xukumadda, Dhagax dhiga Xarunta Kaydka xogaha Degaanka & Biyaha, Mashruuca lagu dhisayo 4 waddo oo laami ah oo laga hirgelinayo Garoowe iyo Daah-furka Wejiga saddexaad ee Mashruuca “ Waxbarshadu waa Iftiin” oo ku baxayso.

Qorshaha dhismaha Garoomada Kubadda cagta Qardho iyo Bosaso, Xeradda ciidamada ee Xorgoble,dhagax dhigay Wejiga 1aad ee caratuurka wadada Ceel-daahir – Ceerigaabo iyo dhagax-dhigay wejiga 2aad ee laami saaridda waddada, Mashruuca Xalka-waara oo guryo loogu dhisi doono barakacayaasha Gobolka Bari isaga oo sidoo kalena, April 6, 2019 dhagax-dhigay Garoonka kubadda cagta ee Bosaso.

April 10,2019: Madaxweynaha ayaa kulan la qaatay Wasaaradda ganacsiga Imraadka, Rugta ganacsiga ee Abu-dubia iyo ganacsato kale isaga oo April 15, 2019 shir la yeeshay Maamulaha shirkadda DP-World Sultan Axmed Bin Suleymaan iyagga oo isla gartay balaarinta Dekadda Bosaso iyo Madaxda Shirkadda Fly Dubia oo soo dhaweyay qorshe duulimaad ay ku imanayaan Puntland, Dhanka kalena, April 15, 2019: Jaaliyadda Puntland ee dalka Imaaradka ayaa xaflad ay iska wareysanayeen arimaha dalka ugu qabtay halkaas.

Doorashadii Madaxweyne Dr. Siciid Cabdullahi Deni ayaa waxaa saldhig u ahaa 8 YOOL 66 BALLANQAAD kuwaas oo u baahan in fursad loo siiyo si uu u hirgeliyo, marka la eego 100 maalmood oo uu xafiiska joogay waxa uu qabtay arimo muhiim u ah horumarka Puntland.