Madaxda Maamul Gobo├Žeedyada oo kulan uga furmayo Nairobi iyo Beesha Caalamka oo…

Madaxda Soomaaliya oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Dani ayaa kulan uga furmayaa Magaalada Nairobi, kulankasoo lagu waday inuu dhaco Sabtida beri ahsyaa maalin dib u dhici doona.

Masuuliyiinta Dowlaza Fezeraalka ah ayaan shirkaan lagu marti qaadin.

Sida ay Warbaahinta Puntlandi.com Warka ku hayaan Waxaa kulanka soo qabanqaabiyey Dhowr wadan oo Beesha Caalamka kuwa Soomaaliya daneeya ah.

Horay ayaa Maraykanku u shaaciyey inuu hada kadib uu Dowlad Goboleedyada ula macaamiilayo si gaara oo Wixii taakulayn uu maraykanku siinayo Soomaaliya wuxuu si toosa ugala xiriirayaa cida ay ku socoto Taakulayntu iyadoon Muqdisho la marin tasoo macneheedu yahay in lasoo celiyey qaabkii ay Beesha Caalamku ula macaamiili jireen Soomaaliya xiligii Xukuumadihii kumeel gaarka ahaa.

Kulanka ka furmi doona Nairobi wuxuu bilow u yahay iskaashi ka dhan ah Xukuumada Federaalka Soomaalkya.

Wixii faahfaahin ah kala soco puntlandi.com