(Dhegayso) Ciidamada Difaaca ee deegaanka Yube oo deeq raashin ah la gaarsiiyay

Ururka horseedka Maakhir Cost ayaa maanra deeq raashin ah waxa ay gaarsiiyeen ciidamada Difaaca dowladda Puntland ee kusugan deegaanka Yube ee gobolka Sanaag oo ay ku soo duuleen malayshiyaadka Muuse Biixi ee looga taliyo magaalada Hargaisa.

Deeqdan ayaa ka koobnayad Bur, Sonkor, Bariis iyo Sharaab,waxayna ciidamadu ay uga mahad celiyeen Ururkan deeqda ay soo gaarsiiyeen.

Soomaaliland oo horay ugu soo duushay gobolka Sool ayaa haatan damaceeda waxa uu yahay in ay qabsato oo ay soo hawaysato deegaano katirsan gobolka Sanaag oo ay Puntland maamusho.

Dhegayso.