(Dhegayso) Dowladda hoose ee degmada Bosaaso oo bilowday hab cusub oo ay Canshuurta ku uruurinayso

Duqa degmada Bosaaso Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan ayaa sheegay in mudooyinkii udambeeyay ay ku mashquulsanaayeen samaynta Guddiyada xaafadaha magaalada Bosaaso ,si maamulka dowladda hoose loo daadajiyo.

Guddiyada ayaa loo xilsaaray in ay soo uruuriyaan Canshuurta xaafadaha ay mas,uulka kayihiin.

Waa nidaam cusub oo uu maamulka degmada Bosaaso sheegay in ay wax uga qabanayaan horumarinta degmada Bosaaso.

Dhegayso.