Breaking– Mudaharaadyo ka bilowday Muqdisho

Tan iyo shalay waxaa Muqdisho ka socdey Abaabulo iska soo horjeeda oo lagu Abaabulayay Mudaharaad iyo Ciidamadii ka hortagi lahaa Mudaharaadka.

Goor dhaweyd waxaa bilowdey Mudaharaadyo Rabshada wata, Xukuumaduna waxay ilaa xalay abaabulaysay Ciidamo ay wadooyinka waaweyn soo dhoobtay saaka.

Tarabuunka waxaa ka socda Mudaharaad Taayiro ldgu gubay wadada dhexdeeda.

Wadada Maka Al mukarama oo xukuumadu awooda saartay waxaa ku sugan Ciidan farabadan waxaana laga cabsi qabaa in Ciidanka iyo Mudaharaadayaashu ay isku dhacaan.

Sida la xaqiijiyay waxaa Mudaharaadyada gadaal kasoo riixaya Mucaraaradka Xukuumada.

Wixii soo kordha kala soco puntlandi.com