W/Q: Mohamed Abdulkadir Osman Agaasimihii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland.” Goodax wuxuu ilaaway inuu yahay wasiir aan lahayn xafiis, ku shaqeeya gurigiisa iyo xafiiska raysulwasaaraha.

Wasiir Qaran mise wasiir doonaya in uu hubiyo burburka systemkii waxbarashada Soomaliya ugu tayada badnaa, ugu fiicnaa looguna kalsoonida badnaa soomali oo dhan, kaas oo lagu bixiyey maskax, waqti, xoog iyo hanti walina gacanta Lagu hayo sidii tayada kor loogu sii qaadi lahaa, kaas oo asaas unoqday nidaamka cusub ee Federalka Somalia.

Goodax wuxuu ilaaway inuu yahay wasiir aan lahayn xafiis, ku shaqeeya gurigiisa iyo xafiiska raysulwasaaraha, imtixaanka uu sheeganayo inay Puntland diiday waxaa lagu soo diyaariyey Nairobi waxaana diyaarisay African Education Trust ( AET ). waxaana lagu iibiyaa suuqa Xamar.

Halka imtixaanka Puntland uu yahay mid ay Wasaaraddu diyaarisay, amnigiisa la xifdiyey, tayo iyo isu dheeli tirnaan buuxda leh, halmar Buuhoodle ilaa Caluula ilaa Badhan ama ilaa Garacad ( in ka badan 1,500km ) halmar loo wada fariisto nabad galiyo ku dhamaada allah amarkiisa kuna jira gacanta dawladda.

Waxaan la yaabay wasiirku ma oga miyaa in Puntland ay tahay qayb ka mid ah dawladda Somalia oo waxay gacanta ku hayso ay tahay wax dowladda Somalia ay leedahay?”.

Puntlandi.com