Cabdi faarax Siciid Juxa.” Wasiir Godaxow Faraha kala bax waxbarashada Puntland

Waxaa qoray Ex-Wasiir Juxa

Wasiir Godaxow, Puntland waa pre-federal state dhisan in kabadan 20 sano oo leh manhaj, imtixaan iyo siyaasad waxbarasho oo dhisan waqti dheer. Waa nidaam waxbarasho oo leh sharciyad iyo kalsooni shacab oo buuxda. Waa nasiib darro inaad maanta ku goodido inaad burburiso nidaamkaas reer Puntland dhisteen. Tan kale waxbarashadu waa shaqo u gaar ah Dawlad-goboleedyada ee maaha wax quseeya Dawlad dhexe.
Nidaamka Federalka waxaa loo samaystay inaan arrimahan oo kale mardame meelna marti looga noqon.