Somaliland oo ka codsadey FlyDubai iney ka badalaan Magaca Hargeisa- Somalia Database-kooda, ayna ku badalaan Hargeisa- Somaliland

Markäad Booqato sebsite-ka Shirkada Duulimaadka ee Fly Dubai oo aad raadsato tiket Hargeysa ah waxaa kusoo boodaya Hargeysa- Somaælia.

Wasaarada Arimaha Dibada Soomaaliland ayaa mudooyinkaan dambe ku howlaneyd in la badalo magaca Hargeysa Soomaaliya oo lagu badalo Hargeysa- Somaliland, waxayna Shirkada Fly Dubai iyo Emerates ka codsadeen in isbadal lagu sameeyo laakiin arintaas Way ka gaabsadeen Masuuliyiinta Shirkadaha Diyaaradaha Emaraatku.

Sida Puntlandi.com ay xogta ku heleen Fly Dubai waxay sheegeen in magaca Hargeisa-Somalia aysan badali karin waayo aduunka oo dhan Mashiinada Ticketka laga raadsado saas ayaa u diiwaan gashan. ayay ku andocoodeen Fly Dubai.

Laakiin sharaxaadaas kuma aysan qancin Soomaaliland oo waxay hada dacwad u gudibiyeen Ururka Xiriirka Shirkadaha Diyaaradaha ee Caalamiga ah.

Axmed Cabdinuur oo mudo 29 sano ah ku dhex jiray khibradna u leh ganacsiga Tickedhada iyo Duulimaadyada Aduunka ayaa wuxuu Puntlandi.com u sheegay iney adag tahay in la badalo magacaas
, “Arintaan waxay salka ku heysaa Siyaasad oo ilaa Soomaaliland ay Aqoonsi hesho Liiska Magacyada Wadamada Aduunka waxba lagama badali karo oo Somalia uun bay Hargaysa ku calaamadan tahay, Shirkadaha Diyaaraduhuna waxay Database-oodu ku xiran yahay oo lagu borogaraamiyaa Liiska Magacyada wadamada aduunka ee A to Z, kaasna Soomaalind kuma jirto.

Puntlandi.com
Hargeysa- Somaliland.