(DHEGAYSO) Puntland oo guddi gaar ah u magacaabaysa dabagalka kufsiyada.

????????????????????????????????????

Dowladda Puntland ayaa guddi gaar ah u saaraysa sababaha ka dambeeya kufsiyada foosha xun ee kusoo badanaya dhulkeeda, kuwaas oo keenay in Puntland sumcadeeda uu dhaawac gaaro.

Hindisaha guddigaan ayaa ka dhashay shir muhiim ah oo ay isugu yimaadeen hay’addaha garsoorka Puntland, iyagoo ka doodayay sababaha qarsoon ee ka dambeeya kufsiyada isdaba jooga ah.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash ahna kusimaha madaxweynaha, ayaa la filayaa inuu guddigaan kusoo magacaabo degreeto sida uu Radio Sahan u sheegay xeer ilaaliyaha Puntland.

Xeer ilaaliyaha Puntland Maxamuud Xasan Aw-Cusmaan ayaa aaminsan inay jiraan ujeedooyin aan weli la ogaan oo loo kufsanayo dumarka ku nool Puntland.

Halkaan hoose k dhegayso codka