(DHEGAYSO) Culimada Takfiir oo jawaab ka bixiyay eedayntii wasiirka cadaalada Puntland

Xubno katirsan urur diimeed la magac baxday Jameeca Islaamiya, balse dadku uyaqaaniin Takfiir, ayaa markii ugu horeysay jawaab ka bixiyay hadal kasoo yeeray wasiirka cadaalada iyo arrimaha diinta Puntland.

Xubnahaan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Burtinle ayaa ku eedeeyay wasiirka cadaaladu inuu ku kacay gef iyo colaad ka dhan ah jameecaddaan kadib markii uu sheegay inuu la dagaalamayo fikirkooda lana burburinayo goob kasta oo ay mabaadiidooda ku faafinayaan.

Waxay kaloo ku eedeeyeen wasiirku inuu huwan yahay shaati xisbi diimeed islamarkaana uu ka tagay cadaaladii loo baahnaa inuu u sameeyo cid kasta oo qabta kala fikir duwanaansho.

Waxay si adag isaga fogeeyeen arrimaha lagu eedeeyay ee ah inay xiriir laleeyihiin ururka Alshabab iyo inay dadka gaalaysiiyaan oo ay xalaashaadaan dhiigooda iyo xaasaskooda. 

Halkaan hoose ka dhegayso codka.