DEG DEG:- Xeer ilaaliyaha guud ee dowladda Puntland oo ku dhawaaqay war ku saabsan baaritaanka Kiiskii kufsiga iyo dilka ahaa ee Caa’isha Ilyaas Aadan.

????????????????????????????????????

Xeer ilaaliyaha guud ee dowladda Puntland. Maxamuud Xasan Aw-cusmaan ayaa maanta ku dhawaaqay in lasoo gabagabeeyay lagunasoo wareejiyay natiijada baaritaanka dheecaamadii laga qaaday kiiskii kufsiga iyo dilk ahaa ee loogu geystay Caa’isha Ilyaas Aadan oo ahayd gabadh 12 .

Xeer ilaaliyaha guud oo wareysi siiyay Puntlandi, ayaa sheegay in macluumaadkaan ay ku wareejindoonaan hay’adda dambi baarista Puntland ee CID, si ay galdacwadeed ugusoo diyaariyaan

Waxaa uu tilmaamay in si degdeg ah maxkamadaha loo horkeenidoono cidii ka dambeysa fal dambiyeedkaan islamarkaana cadaalada sid ay tahay loogu fulindoono.

Sidoo kale, xeer ilaaliyaha ayaa ka hadlay halka uu marayo iyo dadka loo hayo kufsigii iyo dilkii ka dhacay Garowe iyo ujeedooyinka  ka dambeeya kufsiyada kusoo badanaya Puntland

Wareysiga aynu la yeelanay xeer ilaaliyaha ayaan goor dhow idiinsoo gudbindoonnaa