Dibad bax Aamusnaan ah oo loogasoo horjeeday kufsiyada ka dhaca Puntland oo Garowe lagu qabtay

Dibad-bax si aamusnaan ah lagu muujiyaynayay oo loogasoo horjeeday kusfiyadii ka dhacay Puntland ayaa maanta lagu qabtay  ka dhacay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Dibaxbaxayaasha ayaa socod lug ah ku maray qaar kamid ah xarumaha dowladd, iyagoo sitay boorar ay ku qornaayeen hal ku dhigyo ka dhan ah dadka kufsiyada geysta sidoo kale waxay dalbanayeen in cadaalad loo helo dhibanayaashii kufsiyada loogu geystay gudaha Puntland.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa la hadlay dibad bayaasha isagoo u sheegay in ay dowladdu gacanta ku hayso  dhammaan kiisaskii ka dhacay Puntland, baaritaankooduna uu socdo.

Puntlandi.com