(Sawirro) Shirwaynihii Ururka ONLF oo ka furmay maanta Qabridahare

Magaalada Qabridahare ee dowladd deegaanka Itoobiya waxaa maanta ka furmay Shirwaynihii 2-aad ee Ururka ONLF .

Shirkan ayaa waxaa ka soo qayb galay madaxda ururka ugu saraysa  iyo dhammaan xubnaha ururka ee deegaanka  Qabridahare iyo  kuwa dalka dibaddiisa ku sugan.

Shirka ayaa waxaa lagu casuumay odayaasha dhaqan ee deegaanka Qabridahare Aqoonyahanada Dhalinyarada, iyo Haweenka.

Shirkan ayaa socon doona mudo laba maalmood ah,waxaana lagu uruurin doonaa shirkan  talooyinka ka soo baxa dadkii ka soo qaybgalay shirka.

Shirka waxaa daah furay  Guddoomiyaha Ururka ONLF Admiral Maxamed Cumar Cisman,wuxuuna dhaliil u soo jeediyay Guddoomiyaha deegaanka Qabridahare ee maamulka Mustafe Cagjar oo uu sheegay in degaanka uusan ka  hirgalin wax horumar ah.

ONLF oo mudo kabadan 2o sano dagaal kula jirtay dowladda Itoobiya ayaa heshiis Nabadeed la saxiixatay  dabayaaqadii sanadkii tagay ee 2018kii Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Ethiopia Abiy Ahmed.

Sawirro.