Ardayda Puntland ee wax ka barta dalka Suudaan oo wax saamayn ahi ku yeelan carqaladihii ka socday waddanka Suudaan.

Guddoomiyaha ardayda Puntland ee Jaamacadaha Suudaan Maxamed C/risaaq Siciid Cadde ayaa u xaqiijyey ardayda reer Puntland inay bed-qabaan aysanna ku jirin mudaharaaddadii dhacayey bilihii lasoo dhaafay.

Dalka Suudaan ayaa burburkii Soomaaliya kadib waxa uu gacan wayn u fidiyey ardayda Soomaalida oo qaar badan oo ardaydaas kamid ah ay ka heleen deeqo waxbarasho.

Arday kumannaan ah ayaa wax ka barta Jaamacadaha kala duwan ee dalka Sudan iyagoo qaarkood ay joogaan gobollada dalkaas halka qaar kalena ay ku sugan yihiin magaalada Khartoum ee Caasimadda dalka Suudaan.

Dibadbaxyada ka socda dalka Sudan ayaa saamayn ku yeeshay waxbarashada, waxaana haatan xiran inta badan jaamacadaha dalkaas marka laga reebo hal jaamacad oo ay u badan yihiin ardayda ajaanibta ah oo lagu magacaabo International University of Africa.

Kumannaanka ardayda ah ee Puntland ee wax ka barta dalkaas ayaa waxaa caqabad ku noqday xirnaanshaha Jaamacadaha.

Dhanka kale qoysas Puntland ah oo lagu qiyaaso ilaa 300 oo qoys ayaa ku dhaqan dalka Sudan, kuwaas oo badankoodu kasoo guuray dalal kale oo Carbeed oo burburay sida Suuriya iyo Yemen si caruurtoodu ay halkaas wax uga bartaan.

Si kastaba ha ahaatee qalalaasaha Sudan ayaa saamaynta ugu wayn ku yeelan kara ardayda Puntland ee wax ka barta jaamacadaha kala duwan ee dalkaas. Si kastaba ha haatee dalka Sudan ayaan la ogayn halka uu siyaasad ahaan foodda saari doono ayadoo haatan la xaqiijiyey in madaxweynihii dalkaas Cumar Xasan Al Bashiir xilkii laga tuuray isla markaasna la xidhay.

Wasaaradda Waxabarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowlada Puntland ayaa sannad walba deeqo Waxbarasho ka hesha dalka Suudaan iyadoo tirada ugu badani ay aadaan ardayda ka qalin jabisa dugsiyada sare ee Puntland.
By: Deeq Hurevov Madaxa isku xirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare.