Dekeda Muqdisho oo mudo sadax maalin ah uxirnayd amar ka soo baxay Al-shabaab iyo Ganacsatada oo maanta alaabtoodii kala soo dagtay

Kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab ayaa Canshuur farabadan ku soo rogtay ganacsada wax kala soo degta dekeda magaalada Muqdisho.

Sida ay illo xog-ogaal ah u sheegeen  warsidaha Puntlandi.com Maraakiibtii xamuuqlka siday ee ku xirnayd dekeda Muqdisho ayaan laga rogin alaabtii saarnayd  mudo sadax maalmood ah kadib markii ay Al-shabaab ku amartay in ganacsatada ay bixiyaan Canshuur lamid ah mida ay dowladda ka qaado.

Al-shabaab ayaa ugu hanjabtay ganacsadihii aan bixin Canshuurtaasi naftiisa uu ku waayi doono.

Maanta oo Isniin ah ayay ganacsatadu kala soo dageen alaabtooda dekeda Muqdisho kadib markii ay is afgarad ka gaareen bixinta Canshuurta Kooxda Al-shabaab,lamana oga in lagu heshiiyay in Shabaab la siiyo Canshuur udhiganta mida ay ganacsatadu ay ka qaado dowladda .

Argagixisada Kooxda Al-Shabaab ayaa horay lacago baad ah ka qaadi jirtay Shirkaddaha waaweyn ee ganacsiga balse waa markii ugu horeysay oo ay dalbato Al-shabaab in Canshuur laga siiyo Dekadda Muqdisho taasoo muujineyso tabardarada Dowladda dalka ka jirta ee uu hogaamiyo madaxweyne  Farmaajo.