(Dhegayso) Puntland oo ka hadashay qaabkii loo dilay kuxigeenkii Ururka Daacish ee Soomaaliya

Dowladda Puntland ayaa ka hadashay duqeyntii shalay ka dhacday  inta udhexaysa Hul-Caanood iyo magaalada Xiriiro oo katirsan degmada Isku shuban ee gobolka bari.

Duqeyntan ayaa  waxaa lala bar tilmaameedsaday Cabdixakiim Dhoqobeed oo ahaa ku xigeenkii  hogaamiyaha  kooxda Daacish  Sheekh Cabdulqaadir Muumin.

Wasiirka amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Galan ayaa ka warbixinaya khasaarihii ka dhashay duqeynta.