BREAKING NEWS : Duqayn ka dhacday gobolka bari oo lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa Daacish

Diyaaradaha dagaalka ayaa duqayn kagaystay maanta inta udhaxaysa deegaanada Xumbays iyo Xiriiro ee Puntland .

Duqaynta ayaa la sheegay in lala beegsaday xubno katirsanaa Ururka Daacish oo uu kujiray sarkaalkii hogaaminayay kooxdaasi Argagixisada ahayd.

Dadka deegaanka ayaa Puntlandi.com uxaqiijiyay in gaarigii ay saarnaayeen kooxdan dhamaantiisba uu dhulka ku darsamay.

Kooxaha Daacish iyo Al-shabaab ayaa mudooyinkii udambeeyay ku dagaalamayay buuralayda Calmadow iyo Camiskaad ee gobolka bari.

Dowladda Puntland ilaa iyo haatan wax war ah kama ay san soo saarin duqayntan, lamana oga ilaa iyo haatan cida fulisay.