Daawo Fadeexad Puntland oo u gacan gashay kooxda Aaran jaan iyo Wasiirka Maaliyada oo sheegay inuu 3 bilood u dambeysay Mushahar siinaayey Ex-M/weyne Faroole

Wasiirka Maaliyada ee Dawlad goboleedka Somaaliyeed ee Puntland Mudane Xasan Shire Abgaal ayaa sheegay in uu seddexdii bilood ee ugu danbeysay uu si toos ah uu u bixinaayey Mushaharooyinka Madaxweynihii hore ee Puntland Mudane Senetor Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud Faroole.

Wasiirka Maaliyada Puntland Mudane Xasan Shire Abgaal oo ka jawaabaya Su’aalo ay weydiiyeen Xildhibaanada Barlamaanka Puntland wakhti ay socotay doodii ama Motionkii lagu ansixinaayey Miisaaniyada Dawalada Goboleedka Puntland ee Sannaka 2019 ayaa si cad oo waadix ah u sheegay in Xukuumadiisu ay Mushaharooyin iyo gunooyin si joogtaha u siineysay Madaxweynihii hore ee Puntland Mudane Senetor Faroole iyo Ku xigeenkiisii General Cabdisamad Cali Shire saddexadii bilood ee u danbeysay.

Wasiirka Maaliyada Puntland Mudane Abgaal ayaa sidoo kale Golaha Wakiilada Puntland u sheegay in aanu wax guno ah iyo mushaharooyin ah aanu siinin Madaxwenihii hore ee Puntland Mudane Cabdiweli Gaas iyo ku xigeenkiisa Mudane Cabdixakiin Cumar Camey isagoo sheegay in aanay Miisaniyada iyo qorshaha ugu jirin in wax la siiyo odayaashaas taas yaab iyo qosol badan ka dhalisay hoolkii shirku ka socday.

Xubno ka tirsan Xildhibaanada Puntland oo ka qeyb galay kulankaas ayaa hadalka iyo ficilka Wasiirka Maaliyada ku tilmaamay mid ku asteysan khiyaamo Qaran.

Waxaa ah wax lala yaabo in Xukuumada Madaxweyne Siciid Deni oo lagu xanto in ay gacanta ku hayaan Kooxda Siyaasadeed ee lagu magacaabo AARAN JAAN oo uu hogaamiye u yahay Madaxweynihii hore ee Puntland Senetor Cabdiraxmaan Faroole uu Wasiirka Maaliyada Mudane Xasan Shire Abgaal oo kooxdaas ka tirsani uu si naasnuujin iyo nin jeceleysi ah uu ugu abaalgudo, dhaqaale joogto ahna uu siiyo Mudane Faroole, oo gacan weyn ka geystay in uu Madaxweyne Siciid Deni ku guuleysto tartankii doorashada madaxtinimada Puntland ee dhacday 8.Janaayo.2019.

Dadka ka faalooda arimaha siyaasada ee Puntland ayaa welwel badan ka qaba, aadana uga deyrinaaya in aanay macquul aheyn in ay isla falgalaan maamul dawladeed oo u shaqeeya dadka iyo dalka iyo Kooxda Aaran jaan.

Kooxda Aaran jaan oo ah Koox siyaasadeed oo xarunteedu tahay Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland ayaa shacbiga Puntland ku eedeyaan in ay ku lug leeyhiin Musuqmaasuq baahsan,ku tagrifal awoodeed iyo iska horkeenka bulshada Puntland.

Laba Xil iyo laba Mushahar Somaaliya kaliya ayaa laga helaa