TACSI : – Allaah ha naxariistee Marxuum Eedo Aamino Sheekh Maxamed – Bashiir oo xalay ku geeriyooday Magaalada Alkmaar ee Dalka Netherlands

INAA LILAAHI WAA INAA ILEYHI RAAJUCUUN.

GEERIDU WAA XAQ.

Allaah ha u naxariistee waxaa habeenkii xalay oo aheyd Isniin 01.04.2019 ku geeriyootay Magaalad Alkmaar ee cariga Netherlands Marxuumad Eedo Aamino Sheekh Maxamed-Bashiir.

Annagoo ka tiiranyeysan geeridaa naxdinta leh ee ku timid Eedo Aamino Sheekh Maxamed Bashiir waxaanu Tacsi u direynaa Awladii ay ka baxaday iyo dhamaan Qoyska Reer Salaad Ibraahim iyo Dhamaan Qoyska Reer Aw Xasan, Ehelkii iyo Asxaabtii ay ka baxday Marxuumadu,waxaanuna Ilaahay uga baryeynaa inuu samir iyo iimaan ka siiyo.

Sidoo kale waxaanu Marxuumada Allaah uga baryeynaa Naxariis,Dembi dhaaf iyo inuu Jannatul Fardousaa Guri uga yeelo.