Qarax ka dhacay Muqdisho iyo dad shacab ah oo ku dhintay

Magaalada Muqdisho waxaa goor dhawayd ka dhacay qarax Isiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari nooca raaxada ah  oo laga soo buuxiyay wax yaabaha qarxa.

Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay meel udhaw Taalada Xaawo Taako ayna ku yaalaan baro kaantarool oo ay ciidaada dowladda ku baaraan gaadiidka galaya madaxtooyada Soomaaliya.

inta laxaqiijiyay  qaraxan ayaa waxaa ku dhintay 5 qof oo isugu jira shacab  ciidan,waxaana goobta qaraxa uu ka dhacay soo gaaray ciidamada dowladda.

Majirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka dowladda,balse Al-shabaab ayaa bartooda Intenedka ku soo qoray in weerarkaasi ay ka dambeeyeen.

Todobaad ka hor ayay ahayd markii Al-shabaab qarax noocaan oo kale ah ay ka fuliyeen waddada Maka Al-Mukarama kaas oo ay ku dhinteen dad ka badan 30 qof halka dhaawacana uu kor udhaafay 100 qof oo shacab ah .

Dad badan oo falan qeeya amnidarada ka taagan Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku fashilantay sugida amniga shacabka Soomaaliyeed oo ay Al-shabaab maalinkasta qaraxyada ku xaasuuqayaan.