Wasiir Qarjab,” Qofkii argigixisada canshuur kusiiya Puntland gudaheeda iyaguu horey uga tirsanaa.

Wasiirka warfaafinta dowladda Puntland, Cabdi Xisri Cali Qarjab, ayaa sheegay cidii canshuur ama lacago baad ah argigixisadu uga qaadato gudaha Puntland inay lamid tahay inay horey xiriir iyo heshiis ugula jirtay argigixisada.

” Qofkii argigixisada canshuur kusiiya Puntland gudaheeda iyaguu horey uga tirsanaa oo heshiis kula jiray.” ayuu yidhi wasiirka Qarjab oo ka jawaabayay warar waayahaan warbaahinta maxaliga ah tabinaysay oo ku saabsanaa in dadka lagu dilo Bosaso loo dilo sababo la xiriira arrintaan.

Wasiirka warfaafinta ayaa sheegay dowladda Puntland inayan hayn cid weli sheeganaysa inay kooxaha argigixisadu canshuur ka qaadatay, isagoo arintaas ku tilmaamay mid si aad ah loo buunbuniyay oo ujeedada laga leeyahay ay tahay in lagu niyad jabiyo dadka reer Puntland.

Qarjab waxaa uu tilmaamay inaysan Puntland lamid ahayn koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya oo ah meelaha argigixisadu iska maamulayso, waxaana uu hadalkiisa ku daray cida maanta dhahaysa Puntland ayaa argigixisadu canshuur ka qaadaa iy yihiin dad aan xog badan hayn.

Puntlandi.com