Al-shabaab oo mowjado Qaraxyo ah ku weeraray saldhigyo ciidamada dowlada ay ku lahaayeen deegaanka Goof-gaduud

Kooxda Argagixisada ah ee Soomaaliya  ee Al-shabaab , ayaa saaka waabarigii  weeraro Qaraxyo Ismiidaamin ah ku b qaaday saldhigyo ciidamada dowladda Somaaliya ay ku lahaayeen deegaanka Goof- gaduud  ee gobolka Bay.

Al-shabaab ayaa dhowr jiho ka soo galay deegaanka , waxayna la wareegeen qaar kamid ah saldhigyadii ciidamada ay fadhiyeen .

 

Dadka deegaanka ayaa Warsidaha Puntlandi.com usheegay in ay arkeen meedad farabadan oo ah Askartii ciidamada dowladda oo  loogu galay saldhigyadooda .

Lama xaqiijin ila aiyo haatan khasaaraha dhabta ah ee weerarkan ka dhashay , balse  Al-shabaab ayaa sheegtay in weerarkan ay ku dileen  askar fara badan ,ayna ku furteen hub iyo gaadiid dagaal.

 

Ma,aha wax ku cusub dhagaha shacabka  Soomaaliyeed in Al-shabaab sidan ookale ay soo weeraraan saldhigyada Ciidamada  dowladda , balse waa arin ilaa iyo haatan wax cashar ah aysan ka baran xukuumada  uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo .

Puntlandi.com Bosaaso .