(Dhegayso) Barakacayaasha Bosaaso oo cabanaya

Gudoomiyaha kaamka Barakacayaasha ee Banaadir (A) Baashe Yusuf Xirsi ee bariga magaalada Bosaaso oo waraysi gaar ah siiyay  Warsidaha Puntlandi.com  ,ayaa sheegay in xaalad nolol xumo ay soo wajahday 770 qoys oo kaamkaasi ku nool .
Dadka kunool kaamka ayaa isugu jira dad ka soo barakacay koonfurta Soomaaliya iyo dowladd deegaanka Itoobiya.
Gudoomiyaha kaamka ayaa dhanka kale waxa uu sheegay in ay jiraan rag ku hubaysan dirayska Ciidamada oo habeenkii dhac iyo boob ka gaysta kaamka .
Wariyaha Puntlandi ee magaalada Bosaaso ayuu uwaramay .