(Dhegayso) Gaadiid lagu dhacay dhawaan degmada Carmo oo dib loo soo celiyay

Gudoomiyaha gobolka bari  Yuusuf Maxamed  Wacays Dhedo iyo waxgaradka degmada Carmo ayaa ku guulaystay soocelinta gaadiid xamuul ah oo  horaantii bishan lagu dhacay degmada Carmo ee gobolka bari.

 

Guddoomiyaha gobolka bari Yuusuf Maxamed Wacayd Dhedo ayaa sheegay in aysan dowladda marnaba udul qaadan dooni dhacay gaadiidka shacabka ,taas oo qatar  ku ah amnigi deegaanada Puntland .

 

Waxa uu sheegay in dowladda cusub ay go,aan ka soo saartay Malayshiyaadka caadaystay dhaca gawaarida dadweynaha ,wuxuuna  sheegay in degmada Carmo uu keeni doono ciidamo dheeraad ah .

Halkan ka dhagayso.