(Akhirso ) Warbixin Amaan darada Bosaaso iyo waxa sababay

Ciidamada amniga ee magaalada Bosaaso ayaa wada  howlgalo lagu baadi goobayo rag hubaysan oo xalay weerar Bambaano iyo mid toos ah ba ku soo qaaday dowladda hoose ee degmada Bosaaso.

Ciidamada ayaa saaka lagu arkaayay xaafadaha magaalada iyagoo gaaf wareegaya , waxaana socda howlgal xoogan oo dad lagu soo qab qabtay .

Weerarkii xalay ka dhacay magaalada Bosaaso ayaa waxaa ku dhintay hal askari oo ka tirsan ciidamada Amniga , waxaana ku dhaawacmay 4 qof oo shacab ah .

Saraakiisha laamaha amniga ilaa iyo hada kama aysan hadlin weerarkii xalay .

Amniga magaalada Bosaaso ayaa maalmihii udambeeyay sii xumaanayay , waxaana ka dhacayay dilal qorshaysnaa oo lagu beegsanayay haldoorka bulshada .

22 bishan ayay ahayd markii magaalada Bosaaso lagu dilay xisaabiyihii guud ee shirkada Saabir ee deegaanada Puntland ,waxaana sidookale jirta ganacsato magaalada isaga carartay kadib markii  Telfoonka looga soo hanjabay si ay u bixiyaan lacago baad ah .

 

Shacabka ku dhaqan magaalada Bosaaso oo qaar kood la soo xiriiray Warsidaha Puntlandi.com ayaa sheegay in amaan darada ka jirta magaalada Bosaaso ay sabab u yihiin saraakiisha ciidamada oo gabay shaqadii loo igmaday , iyadoo taliyihii qaybta Booliska ee goblka bari C/xakiin Yuusuf Xuseen uu doontay xubin Baarlamaan.

 

Majirto ilaa iyo hada cid ay laamaha amniga u soo qabteen dilalkii ka dhacay magaalada Bosaaso .

Puntland ayaa dagaal kula jirta kooxaha Argagixisada ah ee Al-shabaab iyo Daacish ,oo xiliga kala guurka ah ee Puntland ay kujirto  doonaya in ay ka faa iidaystaan .

Puntlandi.com Bosaaso .