Hayada Cilmi baarista Puntland ee PDRC oo qeyb ka noqtay Oloaha dib u soo doorashada M/weyna Gaas iyo Musharixiintana oo walaac weyn ka muujiyey.

Hay’ada nabad iyo Cilmi baarista Puntland ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan PDRC ayaa lagu eedeyey in ay ku milantay oo ay qeyb ka tahay ololaha Siyaasadeed ee dib u soo doorashada Madaxweynaha Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Hay’adan oo ah mid aan dawli aheyn, oo la asaasay 30 Oktobar sanadkii 1999 ayaa lagu yaqiinay in ay aheyd hayad ka madaxbanaan Siyaasada, oo door weyn ka qaadatay nabad iyo cilmi baarista Puntland.

Sida ay shegayaan ilo xogogaal ah oo aad ugu dhow inta badan ee Musharixiinta xilka Madaxtinimo ee Puntland ayaa xaqiijinaya in Musharxiintu si aad ah ugu niyad jabeen,ugana fajaceen hab dhaqanka cusub ee hayada PDRC iyo afcaasha Siyaasadeed ee guracan ee hogaanka sare ee hayada PDRC ay ku colaadinayaan, kuna bartilmaameysanayaan qaar ka mid Musharixiinta Madaxtinimo ee Puntland.

Ila ah xogogaalka ah ayaa Shabakada Puntlandi.com la wadaagay jiritaanka xog sheegaysa in Hayada Cilmi baarista iyo Nabada ee Puntland ay iyadoo raaceysa tilmaamaha iyo talooyinka Madaxtooyada Puntland, ay ku shaqeynayso Falsafad Siyaasadeed oo Musharixiinta Madaxtinimo loogu qeybinaayo laba qeybood oo kala ah, qeyb la colaadinaayo oo culeys iyo khatar ku ah ololaha rajada dibu u soo noqoshada Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas iyo qeyb Musharixiin ah oo gacan ku rimis ah, isla markaana gacan saar la leh Madaxtooyada Puntland.

Hayada Cilmi baarista iyo Nabada Puntland ayaa iyadoo ka duuleysa aragtida siyaasadeed ee ay ku midoobeen Madaxtooyada Puntland, waxay bilowday in Musharixiinta ugu tunka weyn Musharaxiinta xilka Madaxtinimo ee Puntland in ay u diido, oo ka mamnuucdo in ay sidii caadada ahaan jirtay ay kulmo Dadweyne iyo kuwo wadatashi ku qabtaan xarumaha Hayada PDRC ay ku leedahay magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garoowe, iyadoo isla maalmo yar ka dib Hayada PDRC soo dhaweysay oo martigalisay Musharixiinta gacan saarka la leh Madaxtooyada Puntland in ay kulamdooda ku qabsadaan Xarumaha PDRC.

Mid ka mida Musharixiinta Xilka Madaxtinimo ee Puntland ayaa shabkada Puntlandi u sheegay in afcaasha iyo hab dhaqanka cusub ee Hayada PDRC uu soo xusuusiyey Warbixintii foosha xumeyd, ee aheyd faro gelinta qaawan ee lagu sameeyey nidaamkii iyo tartankii doorashadii Madaxweynaha Dawlada Federaalka sannadkii 2017 ee ay soo saartay xarunta Wada-xaajoodka, Cilmi-Baarista iyo Iskaashiga (Centre for Dialogue, Research and Cooperation (CDRC) oo xarunteeda dhexe ku taallo caasimadda dalka Ethiopia ee Addis-Ababa,

Warbixinta hay’adda CDRC, oo la shaqeysa wasaaradda arrimaha dibedda Ethiopia, oo guddigeeda agaasinka uu ku jiro wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Ethiopia Seyoum Mesfin, ayaa cinwaan looga dhigay waxyaabaha ku hareeraysan xilliga kala-guurka Somalia.

Waxaana lagu muujiyey juqraafiyadda siyaasadda ee Somalia iyo qaabka ugu suurto-galsan ee awood-qeybsiga Somalia iyo loolanka xifaaltanka beelaha waa weyn ee Somalia.

Warbixinta Hayada CDRC ee Ethiopia ayaa sida Hayada Cilmi baarista iyo Nabad Puntland ee PDRC oo kale u durbaano garaaceysay Musharax ka mid ahaa Musharixiintii Madaxtinimada Dawlada Federaalka Somaaliya sannadkii 2017,kaas oo ahaa Madaxweynihii hore Somaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, kaas ku guuldareystay inuu mar labaad ku guuleysto xilkii uu hayey

Puntlandi.com
Garowe/Gaalkacyo
Post@puntlandi.com