(Dhegayso) Puntland ma ka faa,iidaysatay mashruucii JPLG Ee Horumarinta Gobolada ?

Magaalada Garoowe ee caasimada dowladda Puntland waxaa maalmahan ka socday kulamo dib loogu eegayay wax yaabihii ka hirgalay mashaariicdii JPLG ee lagu hormarinayay gobolada iyo degmooyinka Puntland.

Wajiga sadaxaad ee mashruucan  horumarinta dowladdaha hoose ee degmooyinka  Puntland ayaa dhawaan waxaa lafilayaa in  uu bilowdo , waxaana socda aqoon isweydaarsi kor loogu qaadayo shaqaalaha dowladdaha hoose ee degmooyinka .

Mashruucan ayaa mudadii uu socday ayaa waxa uu waxbadan ka badalay kaabayaasha dhaqaalaha ee Puntland.

 

Agaasimaha wasaarada arimaha gudaha iyo dowladdaha hoose  ee Puntland Maxamed Cali Nuur Juba , ayaa sheegay in ay wadaan qaabkii loo samayn lahaa qorshe yaasha degmooyinka iyo hagaajinta buuga horumarinta degmooyinka