(Dhegayso) Bosaaso oo lagu qabtay kulan looga hadlaayay dowrka haweenka ee Siyaasada Puntland

Magaalada Bosaaso ee xarunta ganacsiga dowladda Puntland ayaa maanta waxaa lagu qabtay kulan ku saabsan dowrka haweenka iyo siyaasada Puntland.

kulanka ayaa waxaa ka soo qayb galay haweenka ku dhaqan gobolka bari , Nabadoonada, Cuqaasha,  Culimada iyo mas,uuliyiin ka tirsan xukuumada .

 

Munaasibada ayaa intii ay socotay waxaa lagu gorfeeyay sidii haweenka Puntland ay u heli lahaayeen qoondadii ay ku lahaayeen kuraasta Baarlamaanka .

 

Nabadoonada soo xulaya xubnaha Baarlanaaka Puntland ayaa lagu dhaliilaa in ay xaqiraan qoondada dumarka .

Halkan ka dhegayso.