(Akhriso ) Barakacayaal dib ugu soo laabtay Itoobiya

Dowladda Itoobiya ayaa ku guulaysatay in  ay xal ka gaarto dagaalkii udhexeeyay Oromada iyo Soomaalida ee dagan dalka Itoobiya .
Qoysas gaaraya ilaa iyo ku dhawaad 500 oo qoys ayaa dib ugu noqday deegaanadii ay ka barakaceen oo kala haa,Borena, Gujji, Bale, iyo  Hererge  .

Madaxa Guddiga maareynta qataraha musiibooyinka ee Oromiya Itoobiya Mekonnen Lenjessa ayaa Warbaahinta dalkaasi u sheegay in colaadii u dhexaysay labada Qoomiyadood xal waara laga gaaray, amaanka deegaanadii lagu dagaalamayna uu yahay mid  laysku halayn karo.
Colaada u dhexaysa Soomaalida iyo Oromada ayaa  waxa ay soo bilaabatay December 2016-kii,waxayna salka ku haysay is qab qabsi dhuleed .
Dad badan oo Soomaali iyo Oromo ah ayaa intii uu dagaalku socday ku dhintay ,halka kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.