illhaan Cumar iyo Rashiida Dhaalib oo maanta loo dhaarin doono Aqalka Koongaraaska

Ilhan Cumar oo dhawaan ka mid noqotay Aqalka Koongaraaska ee dalka Mareykanka ayaa waxaa lafilayaa in maanta loo dhaariyo xilkaasi .

Illhaan ayaa kursigan  u soo gashay loolan aday ,iyadoona taageero ka heshay Soomalida ku nool dalka Mareykanka .

Waxa ay sheegtay in marka xilkan loo dhaariyo wax badan ay ka qaban doonto dhibaatada iyo tacadiyada loo gaysto Soomaalida ku nool dalkaasi.

Xubnaha sidookale maanta la dhaarin doono ayaa waxaa kamid ah Rashiida Dhaalib oo ka soo jeeda dalka Falastiin.

Dhaarinta xubnaha cusub ee Aqalka Koongaraaska ayaa ku soo beegmaysa iyadoo wali ay xaniban yihiin howlihii shaqo ee dowladda , sababo la xiriira muraka Miisaaniyada  ee ka taagan dalkaasi.