(MUQAAL) Madaxweynaha Jubaland oo ku sugan furimaha dagaalka ee galbeedka Kismaayo

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo safar shaqo ku tagay deegaanka Cabdalla Biroole ayaa booqday Saldhiga Ciidanka Darawiishta Dowlad Goboleedka Jubbaland ay halkaas ku leeyahiin.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa halkaas kulan kula qaatay Odayaasha dhaqanka iyo Maamulka Deegaanka isagoo u kuur galay baahiyaha halkaas ka jira iyo sidii deeganada ku dhow looga xorayn lahaa kooxda Al-Shabaab.