Daawo : – Abaabul Ciidamo iyo Hub looga hortagaayo Doorashooyinka Boobka ah ee Farmaajo oo maanta la soo bandhigay Muqdisho

Iyadoo mudooyinkii ugu danbeeyey ay isa soo tarayaan ismaandhaafka siyaasadeed ee ka dhashay khilaafka habraaca doorashooyinka Dalka ee u dhaxeeya Xukuumada Madaxweyne Farmaajo iyo Qaar ka mid ah Maamul Goboleeda Dalka iyo Midowga Musharixiinta ayaa waxaa meelo kale kedisan oo Dalka ka biloowday dhaqdhaqaaqyo iyo abaabul ciidan oo ay wadaan labada dhinacba.

Dawlada Federaalka ah ayaa maalintii shalay cutubyo ka tirsan ciidanka dawlada diyaarada ugu daad-gureysay magaalada Baladweyne, kuwaas oo Golaha Midowga Musharixiintu ku eedeyeen Madaxweyne Farmaajo inuu ciidankaas u isticmaalaayo , oo loogu talo galay in lagu soo boobo kuraasta barlamaanka ee laga soo doorto magaalada Baladweyne.

Sidaa si la mid ah waxaa maanta duleedka magaalada Muqdisho lagu soo bandhigay cudud Hub iyo Ciidan la soo abaabulay kuwaas lagu sheegay in ay ka hortagayaan in Dalka iyo Dadka lagu khasbo doorashooyin boob ah oo loo adeegsanaayo qori caradiis.

Isku soo duubo waxaa muqata is mari waa siyaasadeed oo aad u qalfsan oo haddii aan xal macaquul loo helin saameyn gurac ku yeelan kara nabadgelyada iyo degenaanshaha Dalka.

Halkan ka daawo xoogaga lagu sheegay ka hortaga doorashoohinka boobka ah