Dawlada Somalia oo ka xanaaqaday, Dalkana ka saartay Safiirkii Kenya, kadib markii Kenya baahisay maswirada Fahad Yasiin.

War Caawa ka soo baxay Wasaarada Arimaha Dibada ayaa lagu sheegay in Dawlada Somaaliya ay ku baaqday in uu Dalka ka baxo Safiirka Dalka Kenya u fadhiya Somalia Ambassador General Lucas Tumbo, isla markaana waxay dib ugu yeeratay Safiirka Somaaliya ee Kenya Ambassador Maxamed Nuur Tarsan.

Safiirka Kenya General Lucas Tumbo ayaa la sheegay in aanu Dalkaba joogin, halka Safiir Tarsan uu isna in mudo ah ku sugnaa Muqdisho

Dawlada Somaaliya ayaa ku eedeysay Dawlada Kenya in ay faragelin ku hayso arimaha gudaha ee Somaliya.

Dawlada Somaaliya ayaa la sheegay in ay aad uga carootay kadib markii Dawlada Kenya baahisay usbuuci hore masawirada Agaasimaha Hayada Nabadsugida ee NISA mudane Fahad Yaasiin oo booqasho qarsoodi ah ku tagay Dalka Kenya.

Talaabadan ay qaaday Dawlada Somaaliya ayaa Dadka Siyaasada ka faaloodaa ku tilmaameen in ay tahay mid Dawlada Farmaajo ay indhaha shacbiga kaga sii jeedinayso culeysyada siyaasadeed ee isa soo taraaya ee ku hayaan siyaasiyiinta iyo musharixiinta ka soo jeeda magaalada Muqdisho.

Dawlada Somaaliya ayaa usbuucan si weyn u taageertay Raisal Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed iyo dagaalada uu ka wado Gobolka Tigreyga.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Ololihii doorasha sanadkii 2017 ku galay hal-kudhiga ama slogan ahaa ” Ethiopia waa cadowga Somaaliya “ maantana doorashada 2020 – 2021 waxaa u qorsheysan ” Kenya waa cadowga Somaaliya “