Ex-M/weyne Xasan Sheekh : – Fahad Yasiin Madaxtooyadii iyo Nabdsugudii buu dumiyey ee ka yeeli mayno inuu Dalka Burburiyo.

Madaxweynihii hore ee Dawlada Federaalka Somaaliyeed Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta sheegay in xanta shacbiga dhexdiisa taala ay sheegayso inuu jiro shakhsi lagu magacaabo Mulkiilaha Dawlada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa cadeeyey in Mulkiilada Dawladu uu yahay Fahad Yasiin, isla markaana uu yahay shakhsiga burburiyey Madaxtooyadii Dalka, Ciidanka Nabadsugida iyo Ciidankii Booliska Somaaliyeed haddana ku mashquulsan in uu burburiyo Siyaasada Dalka.

Mudane Xasan Sheekh ayaa cod adag ku sheegay in aanay marnaba u ogalaan doonin Fahad Yaasin inuu burburiyo Siyaasada Dalka, isagoo sheegay in shirarka hadda socdaana arintaa looga tashan rabo.

Halkan ka dhageyso digniinta Mudane Xasan Sheekh :