Musharixiinta Madaxweynaha oo kulankooda indhaha lagu hayo

Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulankooda Sadexda maalmood wuxuu maanta ku bilowdey jawi degan oo Khudbado bilow ah laga jeediyey.

Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu sheegay in Qodobo muhiim ah laga wadahadalay dibna la isugusoo laaban doono beri oo Axad ah.

Madaxweynihii hore Xasan Dheikh oo maalmo ka hor ka hadlay kulankaan ujeedkiisa wuxuu ku tilmaamay Shir lagu badbaadinayo Dalka.

Majiraan Qodobo muhiim ah oo kasoo baxay kulanka maanta walow uu ahaa furitaan iyo is xogwaraysi.

Siwarada hoos ka daawo