Shirkii Mucaaradka oo maanta lagu wado inuu furmo

Waxaa aad loo adkeeyey Amaanka Hoolka uu ka dhacayo shir ay isugu imaanayaan Musharixiinta u tartamaya Madaxweynaha Soomaaliya kasoo la rajaynayo inuu maanta ka furmo Muqdisho, wuxuuna socon doonaa Sadex maalmood.

Waxaa ugu weyn oo Shirka looga hadlayaa sidii laga yeeli lahaa Gudiyada ay Xukuumadu u xilsaartay Doorashada, oo Ragaan aad uga biya diidan yihiin.

Madaxweynayaashii Hore Xasan iyo Shariif oo uu weheliyo Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa hogaaminaya kulanka, Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa isna qayb ka ah iyo Musharixiin kale.

Su’aasha meesha taal oo la isweydiinayo ayaa waxay tahay Musharixiintu Sharciyad ma u leeyihiin iney Faragaliyaan Gudiga Doorashada Maamulaya.

Puntlandi.com kala Soco Xogaha tafatiran ee kulanka.

Puntlandi.com Muqdisho