Kheyre oo weerarkii Guriga CC ku eedeeyey Madaxweyne Farmaajo

Galabta ayaa Raysal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre wuxuu gurigiisa ugu tagay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir isla markaasna ah Musharax Madaxweyne.

Kulanka ayaa wuxuu ujeedkiisu ahaa ismarxabeyn iyo iswaraysi ku Aaden Xaalada Siyaasadeed ee Muqdisho ka jidha.

Warar hoose oo laga helay kulanka waxay sheegayaan in Xasan Cali Kheyre uu iska leexiyey Weerarkii lagu qaadey Guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur 17/12,2017kii iyo xarigii isla Wagaas loo geystay Ina Cabdishakuur

Wararku waxay sheegayaan in Xasan Cali Kheyre uu yiri weerarkaas waxaa lagasoo Abaabulay Xafiiska Madaxweynaha.

Eedeynta Xasan Cali Kheyre waxay kusoo aadeysaa Xili uu Dagaal Siyaasadeed kala dhexeeya Xafiiska Madaxweynaha, waliba Dagaalkaas wuxuu maalmihii u dambeysay gaaray meesha ugu sareysa oo aan waxba la isu reebanayn.

Puntlandi.com Muqdisho