TACSI : – Allaah ha u naxariistee Korneyl Maxamed Shire Hurdaaye oo ku geeriyooday Gaalkacyo.

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICIIN.

GEERIDU WAA XAQ.

Allaah ha u naxariistee waxaa maanta oo ah Jimce, 20.11.2020 ku geeriyooday magaalada Gaalkacyo ee Puntland Korneyl Maxamed Shire ( Hurdaaye )

Marxuum Maxamed Shire oo ka mid ahaan jiray saraakishii ciidankii Booliska Somaaliyeed, isla markaana xilal kala gedisan ka soo qabtay Dawladii dhexe ee Somaaliyeed ayaa ka mid ahaa Odayaaysha iyo waxgaradka Jaaliyada Somaaliyeed iyo mid Puntland ee Dalka Danmark.

Jaaliyada Puntland iyo mid Somaaliyeed ee Dalka Danmark waxay iyagoo ka tiiranyeysan geeridaa naxdinta leh ee ku timid marxuum Maxamed Shire Hurdaaye waxau Tacsi u dirayaan Qoyskii, Ehelkii iyo Asxaabtii uu ka baxay marxuumku.

Sidoo kale Maamulka iyo Hawlwadeenada Shabakada Puntlandi waxay tacsi u dirayaan Waxaan Tacsi u dirayaa Dr. Abdirashid Mohamed Shire Hurdaaye Madaxa Hayada Bureau of Forensic Science ee Puntland geeridaa ku timid Abihiis Allaah ha u naxariistee Adeer Maxamed Shire