Daawo : – Muse Biixi oo maanta Qabriga Cumar Carte korkiisa Nacdal u diray Dawladii Kacaanka

Madaxweynaha maamulka Somaliland Gashaanle Muse Biixi Cabdi ayaa maanta eryo xanaf leh oo Nacadashii Allaah weheliso u diray Xukumadii Kacaanka ee uu horjoogaha u ahaa Marxuum Maxamed Siyaad Bare.

Mudane Muse Biixi Cabdi oo ka hadlaayey Aas Qaran oo magaalada Hargeisa maanta loogu sameeyey Raisal Wasaarihii hore ee Dalka Somalia Marxuum Cumar Carte Qaalib ayaa yiri isagoo shucuurtiisu aad u kacsaneyd weedho aad u qalafsan oo ay ka mid aheyeen : ” Allaah ya nacalkum wa abuukum “

Mudane Muse Biixi ayaa aad ugu dheeraaday wadaninimadii Marxuum Cumar Carte iyo dulmigii iyo hagardaamdii ay u geysteen Dawladii kacaanka aheyd, oo uu yiri waxaa loo dulmay oo loo hayb soocay in ay aheyd isir naceyb.

Mudane Muse Biixi ayaa ka digay in hawlaha iyo ficilada Dawlada Farmaajo ka wado Dalka iyo magaalada Muqdisho iyo cadaawada lagu hayo Gudoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ay la mid yihiin kuwii jir dilka iyo xabsiga mudada dheer ah ee loo geystay Raisal Wasaare Cumar Carte, Madaxweyne ku xigeen kii hore ee Dalka Ismaaciil Cali Abokor iyo sarakiishii iyo aqoonyahankii Reer Waqooyi ee ku sugnaa magaalada Muqdisho, isagoo ku tilmaamay in siyaasadii jar-iska xoornimada ahaa ee Dawladii Siyaad Barre ay keentay burburkii Dalkii iyo Dadkii Somaaliyeed, isla markaana ay ka dhasheen Dagaalada Sokeeye ee lagu hoobtay.

Halkan ka daawo khudbadii caadifada iyo carada weyni ka muuqdeen ee Muse Biixi maanta ka dul akhriyey Qabrigii Allaah ha u naxariistee Marxuum Cumar Carte :